Author: Banaadir24 Editor

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo ku tilmaamay mid waafaqsan dastuurka iyo dimuqraadiyadda dalka. Goluhu wuxuu caddeeyay inuu si buuxda u taageersan yahay qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay, kuwaas oo lagu xaqiijinayo rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed, isla markaana la dhowrayo nidaamka federaalka iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka. Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle in ay si degdeg ah u qabtaan doorashooyin hufan oo ku saleysan dastuurka, si loo…

Read More

Diyaarad ay saarnaayeen wafdi hordhac u ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa dhowr saacadood ku xanniban garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaddib markii maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka hor istaagay inay ka degto garoonka Shaati-gaduud ee Baydhabo. Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaaradda, oo la rumeysan yahay inay tahay mid gaar ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, lagu wargeliyay xubnihii saarnaa in xaaladda Baydhabo ay tahay mid amni darro ah oo khatar badan leh, islamarkaana aysan suurtagal ahayn inay halkaas ku degaan waqtigan. Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu soo warramayaa inuu saaka garoonka Shaati-gaduud…

Read More

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weeraradii xalay Ciidamada Dowladda dalka Iran ay ku qaadeen Kaabayaasha Dhaqaalaha dalalka, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar, kuwaas oo siweyn looga dareemay dalalkooda, isla markaana keeni kara hoos u dhac dhaqaale iyo qiimo koror ku yimaada Shidaalka Caalamka. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arriamaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weeraradaas ay si weyn u jebinayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana halis ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka. “Soomaaliya waxay mar kale xaqiijineysaa garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladaha iyo shucuubta Sacuudiga, Qadar iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo…

Read More

Magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa ku geeriyooday diblomaasigii caanka ahaa ee Nicholas Haysom, isagoo jiray 73 sano. Haysom waxa uu ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa dalka Suudaanta Koonfureed. Marxuumka ayaa muddo dheer kasoo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadeed ee Qaramada Midoobay, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay meelo badan oo caalamka ah. Kahor inta aan loo magacaabin xilka Suudaanta Koonfureed, waxa uu ahaa madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, halkaas oo uu door muhiim ah ka qaatay arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Nicholas Haysom ayaa xumaaday…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta diyaarado ku daadgureysay ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ee Booliska, kuwaas oo la geeyay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa. Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay la xiriirto qorshe ay dowladda federaalku ku dooneyso inay doorasho ka qabato degmada Baraawe, xilli uu khilaaf adag kala dhaxeeyo maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta qorshaha doorashada, haddana dhaqdhaqaaqyada militari ee socda ayaa muujinaya diyaargarow muuqda. Sidoo kale, xalay ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilkii ka qaaday Taliyihii Guutada…

Read More

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan inay maanta gaaraan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in Wasiirka Dekadaha iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha, oo labaduba kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ay qorsheynayaan inay u safraan Buurhakaba. Si kastaba, lama oga habka ay halkaasi ku gaari doonaan, maadaama maamulka Koonfur Galbeed uu horey u shaaciyay in uu xiray hawadiisa, isla markaana uu mamnuucay in diyaaradaha ay qaadaan siyaasiyiin. Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo degmada Buurhakaba ay ku sugan yihiin ciidamo…

Read More

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday joojinta degdegga ah ee dhammaan duullimaadyada ganacsiga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee ku imaanaya ama ka baxaya dhammaan garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay ka duulaan diyaaradaha ee maamulkaas. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka, oo ku taariikhaysan 18 Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in go’aankani uu dhaqan galay isla maalintaas, isla markaana uu socon doono “illaa amar dambe.” Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan loo qaaday si loo ilaaliyo badbaadada shacabka loona sugo nidaamka howlaha duulimaadyada ee xaaladda hadda jirta. Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in…

Read More

Warbixin ay qortay jariiradda Mareykanka ee The Wall Street Journal ayaa sheegaysa in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu hadda ka soo horjeestay in la sii wado weerarro lagu qaado xarumaha shidaalka ee dalka Iiraan. Go’aankan ayaa imanaya kadib markii Iiraan ay qaaday tallaabooyin jawaab celin ah oo waxyeello gaarsiisay xarumaha wax soo saarka shidaalka iyo gaaska ee dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudi Careebiya, Qadar iyo Imaaraadka Carabta. Iiraan ayaa la sheegay in ay weerarradan u aragto jawaab toos ah oo ka dhan ah duqeymo ay horey u fuliyeen Israa’iil iyo Mareykanka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarunta weyn ee gaaska ee…

Read More

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inuu xilkii ka qaaday Col. Liibaan Garre, oo ahaa taliyihii Guutada 6-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baraawe, ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Gen. Xarago loo magacaabay xilkaas, iyadoo la filayo in saacadaha soo aadan ay si rasmi ah uu xilka ula wareego. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Baraawe ay wajahayso xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa, taasoo la xiriirta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo xiisaddoodu cirka isku sii shareereyso. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya ay wado…

Read More

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa galabta Ciidamada Amniga kula afuray duleedka deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran. Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida, kuwaas oo iyaga oo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka, isaga oo xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo…

Read More