Author: Banaadir24 Editor

Waxaa Maanta Maalintii Koowaad ee Ciidul Fidriga siweyn looga Ciidayaa dhamaan dalalka Islaamka oo ay kujirto Soomaaliya, iyada oo dadweynaha ay u damaashaadayaan. Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay Shacabka kula dukadaan Masaajidyada qaar halka qaarkood ay kula dalxiiseen Goobaha loo damaashaad tago. Markii aad marto waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalintii Koowaad ee Ciidul Fidriga. Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa sidoo kale kusii qul qulaya Goobaha dalxiiska si ay Asxaabtooda ula sheekeystaan Ama ula galaan Sawiro xasuus…

Read More

Dallada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga muujinayso walaaceeda khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Bulshada Rayidka waxay ka digaysaa in khilaafkaasi isu beddelo gacan-ka-hadal, waxayna ku baaqaysaa in lagu xalliyo wada-hadal mas’uuliyad leh oo waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah, federaalka iyo dowlad-wanaagga. Bulshada Rayidka ugu dambeyntii waxay ku boorrinaysaa dhinacyada ay khusayso in ay mudnaanta siiyaan wada-hadal iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka. Walacan kasoo baxay Daladda Bulshada rayidka ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay Diyaarad Ciidamo ku geysay degaano katirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Read More

Taliska Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen mid kamid ah maleeshiyaadkii xalay Baydhabo weerarey. Wareysi lala yeeshay ayuu sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro dhawaan hub loogu qeybiyey degmada Buur Hakaba, kuwaas oo la marin habaabiyey. Sidoo kale Taliska Booliska Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in maleeshiyaadka soo weeraray Baydhabo ay ku labis naayeen Tuutaha Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo loo qeybiyey maleeshiyaad ku sugnaa degmada Buur Hakaba, si colaad looga huriyo deegaanada Koonfur Galbeed. Ilaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyada oo dhinacyada mucaaradka dhankooda…

Read More

Saddex wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen, iyagoo ku sababeeyay go’aankooda inay garab istaagayaan shacabka reer Koonfur Galbeed oo ay sheegeen inay la kulmeen faragelin iyo weerar kaga yimid dowladda federaalka. Mas’uuliyiinta is casilay ayaa kala ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Aadan Maxamed, Wasiiru dowlihii Qorsheynta Axmed Maxamed Mashruuc, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal. Qoraal ay si gooni gooni ah u soo saareen, ayay ku sheegeen in ay si qoto dheer uga xun yihiin xaaladda ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo maanta looga hor istaagay inuu uu rago magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in safarkiisu uu qeyb ka ahaa dadaallo lagu doonayay xal u helidda khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha ayaa xusay in socdaalkiisa uu ku saleysnaa waajibaad dastuuri ah iyo mas’uuliyad qaran, isla markaana uu ahaa mid lagu xoojinayo wada-hadal iyo isfaham dhexmara dhinacyada is haya.…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in la galo wada-hadal ku saabsan qodobada mudnaanta u leh dalka xilligan, isagoo xusay in dadaallo wada-hadal ah ay socdeen muddo sannad ah. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhinaciisa ay ka go’an tahay in xal siyaasadeed iyo mid amni lagu wajaho caqabadaha jira, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wada-hadalku yahay jidka ugu habboon ee lagu gaari karo xasillooni iyo horumar waara. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa shaaciyay in dowladdu ay 90 maalmood oo cafis ah u fidisay maleeshiyaadka argagixisada ah, iyadoo hay’adaha amniga loo xilsaaray diyaarinta habraacyada lagu…

Read More

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa maanta waxaa gaaray mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saadad Caliyow, iyagoo watay diyaarad ciidan. Wararka laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan ay halkaasi ka bilaabayaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka dhan yihiin maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xaruntiisa Baydhabo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in socdaalkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Mas’uuliyiintan ayaa si weyn uga soo…

Read More

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ay Maanta ku geystay  magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiaga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaalkii degaanka Raskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in maamulka uu si buuxda u maareyn karo ammaankiisa, isla markaana uu ka hortagayo wax kasta oo halis gelin kara xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan, sida uu sheegay, dadaallo lagu carqaladeynayo…

Read More

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabayo laguna kala beddelayo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ka howlgalayay deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Wareegtadan oo summadeedu tahay LXT/C/XDS/0122/26, islamarkaana ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka, ayaa lagu sameeyay isbeddello muhiim ah oo saameynaya hoggaanka cutubyo ka tirsan Ciidanka Dhulka. Saraakiisha la magacaabay iyo kuwa la kala beddelay ayaa kala ah: G/le Sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Aamiin ayaa loo magacaabay Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad Ciidanka Dhulka. G/le Dhexe Liibaan Yuusuf Afrax Weheliye ayaa laga qaaday xilkii Taliyaha Guutada…

Read More

Warar hordhac ah oo laga helayo kulamo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, ayaa muujinaya in aan weli wax horumar ah laga gaarin taagan, isla markaana natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday. Kulankii ugu horreeyay ee labada dhinac yeeshaan ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo madaxweynuhu dalbaday in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, dib loogu soo celiyo miiska wada xaajoodka, si xal looga gaaro khilaafka jira. Hase yeeshee, Jeneraal Shub ayaa tilmaamay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid dagaal u eg oo si toos ah u furan, isla markaana ay dowladda federaalka…

Read More