LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Koonfur Galbeed oo Nolosha ku qabatay qaar kamid ah maleeshiyadkii soo weeraray Baydhabo

Taliska Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay qabteen mid kamid ah maleeshiyaadkii xalay Baydhabo weerarey.
Wareysi lala yeeshay ayuu sheegay inuu ka mid ahaa dhalinyaro dhawaan hub loogu qeybiyey degmada Buur Hakaba, kuwaas oo la marin habaabiyey.
Sidoo kale Taliska Booliska Koonfur Galbeed wuxuu sheegay in maleeshiyaadka soo weeraray Baydhabo ay ku labis naayeen Tuutaha Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo loo qeybiyey maleeshiyaad ku sugnaa degmada Buur Hakaba, si colaad looga huriyo deegaanada Koonfur Galbeed.
Ilaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Baydhabo, iyada oo dhinacyada mucaaradka dhankooda ka hadlin.









