LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo cambaareeyay safarkii Baydhabo ee loo diiday sheegayna in Laftagareen…

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabo maanta looga hor istaagay inuu uu rago magaalada Baydhabo, oo ah xarunta gobolka Baay ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in safarkiisu uu qeyb ka ahaa dadaallo lagu doonayay xal u helidda khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in socdaalkiisa uu ku saleysnaa waajibaad dastuuri ah iyo mas’uuliyad qaran, isla markaana uu ahaa mid lagu xoojinayo wada-hadal iyo isfaham dhexmara dhinacyada is haya. Wuxuu tilmaamay in ka hor safarka uu la wadaagay qorshihiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), balse uu diidmo kala kulmay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabada lagu hor istaagay safarkiisa ay tahay mid ka hor imaanaysa mabaadi’da dowladnimada, isla markaana wiiqeysa dadaallada lagu doonayo xasilloonida iyo wadajirka dalka.

“Waxaan u arkayaa arrintan mid dhaawac ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Guddoomiyaha, isagoo ugu baaqay madaxda Koonfur Galbeed inay dib uga fiirsadaan go’aankooda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa carrabka ku adkeeyay in xafiiskiisu uu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo midnimada dalka, xalinta khilaafaadka siyaasadeed, iyo ilaalinta dastuurka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *