Wadahadalladii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliye Shub oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Warar hordhac ah oo laga helayo kulamo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub”, ayaa muujinaya in aan weli wax horumar ah laga gaarin taagan, isla markaana natiijo la’aan uu kusoo dhamaaday.
Kulankii ugu horreeyay ee labada dhinac yeeshaan ayaa lagu soo gabagabeeyay iyadoo madaxweynuhu dalbaday in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, dib loogu soo celiyo miiska wada xaajoodka, si xal looga gaaro khilaafka jira. Hase yeeshee, Jeneraal Shub ayaa tilmaamay in xaaladda hadda jirta ay tahay mid dagaal u eg oo si toos ah u furan, isla markaana ay dowladda federaalka qayb ka tahay.
Sidoo kale, Jeneraal Shub ayaa sheegay in tallaabooyinka hadda socda ay asal ahaan ka yimaadeen dhinaca dowladda federaalka, isagoo xusay in uu horey saddex jeer uga digay madaxweynaha toddobaadyadii lasoo dhaafay, balse digniintaasi aan la tixgelin.
Madaxweynaha ayaa mar kale ka codsaday Jeneraal Shub inuu dhexdhexaadiyo oo uu kulansiiyo Laftagareen, sida uu horey uga sameeyay khilaaf kale oo dhex maray Koonfur Galbeed iyo Villa Soomaaliya, kaas oo uu door muuqda ka qaatay xalintiisa. Si kastaba ha ahaatee, dadaallada cusub ayaa u muuqda kuwo wajahaya caqabado adag.









