Muqdisho & Gobolada dalka oo Maanta laga Ciidayo

Waxaa Maanta Maalintii Koowaad ee Ciidul Fidriga siweyn looga Ciidayaa dhamaan dalalka Islaamka oo ay kujirto Soomaaliya, iyada oo dadweynaha ay u damaashaadayaan.
Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa inay Shacabka kula dukadaan Masaajidyada qaar halka qaarkood ay kula dalxiiseen Goobaha loo damaashaad tago.
Markii aad marto waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalintii Koowaad ee Ciidul Fidriga.
Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa sidoo kale kusii qul qulaya Goobaha dalxiiska si ay Asxaabtooda ula sheekeystaan Ama ula galaan Sawiro xasuus ah, waxaana Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ay Maalintii Koowaad Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.









