Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gogol wadatashi ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay in la galo wada-hadal ku saabsan qodobada mudnaanta u leh dalka xilligan, isagoo xusay in dadaallo wada-hadal ah ay socdeen muddo sannad ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhinaciisa ay ka go’an tahay in xal siyaasadeed iyo mid amni lagu wajaho caqabadaha jira, isaga oo carrabka ku adkeeyay in wada-hadalku yahay jidka ugu habboon ee lagu gaari karo xasillooni iyo horumar waara.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa shaaciyay in dowladdu ay 90 maalmood oo cafis ah u fidisay maleeshiyaadka argagixisada ah, iyadoo hay’adaha amniga loo xilsaaray diyaarinta habraacyada lagu fulinayo cafiskaas. Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay dalka ka jiraan doodo siyaasadeed oo xooggan.
Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya iyadoo la dareemayo isbeddel ku yimid safkiisa siyaasadeed, isla markaana ay jiraan kala aragti duwanaansho soo kala dhex galay qaar ka mid ah saaxiibadiisii siyaasadeed, iyada oo Madaxweynaha koonfur galbeed oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay si wanaagsan ula Shaqeynayay hadda ay is khilaafeen.









