Author: Banaadir24 Editor

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 100 askari oo ka tirsan ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay saaka ka baxeen magaalada Baraawe, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Haramacad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ku safreen dhowr doomood, iyagoo maray waddo dhanka badda ah, islamarkaana soo jaray masaafada u dhaxaysa magaalooyinka Baraawe iyo Kismaayo. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ciidamadaasi ay si nabad ah ku gaareen deegaanka Sabca-Asharaaf oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, taasoo ah xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Dhanka kale, magaalada…

Read More

Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, iyagoo ku tilmaamay falal ka hor imaanaya amarrada maamulka. War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan oo tiradoodu gaareyso 48 Mudane ayay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay jebiyeen amar uu soo saaray maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo mamnuucayay in diyaarado ka degaan garoomada deegaannada maamulkaas. Xildhibaannada ayaa tilmaamay in shalay diyaarad ay ka degtay degmada Buurhakaba, taasoo siday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sidoo kale maanta ayaa la sheegay in degmadaas…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose. Madaxweynaha ayaa hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka Khawaarijta, waxa uuna faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka. Madaxweyne…

Read More

Puntland ayaa si rasmi ah uga hadashay tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis is-afgarad (MoU) ah ula saxiixatay Dowladda Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka, kaas oo la xiriira sahminta iyo horumarinta khayraadka macdanta. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay tahay deegaan ay ku badan yihiin keydadka macdanta dalka, isla markaana aysan oggolaan doonin in heshiisyo ku saabsan khayraadkaas la sameeyo iyadoo aan lagala tashan. Puntland waxay ugu baaqday West Virginia in ay ka waantoobaan fulinta heshiiskan ilaa laga xallinayo arrimaha sharci iyo dastuur ee jira, iyadoo la tixraacayo…

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay xarumaha muhiimka ah iyo saldhigyada degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaas hore uga arriminayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed. Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Koonfur Galbeed qaarkood isku soo dhiibeen kuwa dowladda, halka kuwo kale ay codsadeen in loo daadgureeyo magaalada Kismaayo, iyagoo doonaya in halkaas loo qaado. Saacadihii ka horreeyay la wareegidda ayaa Baraawe waxaa ka jiray xiisad dagaal oo u dhaxeysay labada dhinac, kadib markii Dowladda Federaalka ay degmada geysay ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u…

Read More

Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Afmadow, kaas oo lagu qabtay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Horjoogahan oo lagu magacaabo Cali Macalin Cali Nuur, isla markaana loo yaqaanay naanaysta “Musamil”, ayaa la sheegay in muddo afar sano ah uu ka tirsanaa kooxdaas, isaga oo ka dagaalamay deegaanno iyo degmooyin kala duwan. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, Mahad Islaam, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabtay horjoogahan uu yimid kadib xog ay ka heleen shacabka deegaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamada ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si…

Read More

Warar ay xaqiijiyeen ilo amni ayaa sheegaya in habeenkii xalay duqayn xooggan ay ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanada Jilib iyo Kuunyo ee Gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Duqayntan ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xamiid, kaas oo door muhiim ah ka ciyaarayay howlaha hubka ee kooxda. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Cabdi Xamiid uu mas’uul ka ahaa isku dubaridka iyo maareynta hubka Al-Shabaab. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarkan si gaar ah loogu bartilmaameedsaday Cabdi Xamiid, islamarkaana uu ku dhintay goobta…

Read More

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa si adag u dhaliishay qorshe kasta oo lagu kordhinayo miisaaniyadda dagaalka ee Mareykanka, iyadoo sheegtay in arrintan ay ka hor imanayso baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi. Ilhan ayaa tilmaantay in dadka Mareykanka marar badan loo sheego in aanay jirin lacag ku filan oo lagu taageero adeegyada muhiimka ah sida daryeelka caafimaadka guud iyo la dagaallanka gaajada. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in isla waqtigaas la heli karo ilaa $200 bilyan oo dheeraad ah oo loo qoondeeyo dagaallo cusub. “Ma aqbali karno in la yiraahdo ma jirto lacag loogu talagalay dadka, balse ay jirto boqolaal…

Read More

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Maanta uu Ciidanka qeybahooda kala duwan kula ciido degaanka Gandarshe oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kana mid ah degaannadii dhawaan laga xorreeyay Al-Shabaab. Ciidamo iyo Saraakiil horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaaray Gandarshe, iyada oo siweyn loo adkeeyay Ammaanka degaanka Gandarshe iyo degaannada ku dhow dhow ee ku yaalla dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka. Madaxweynaha oo khudbad u jeedin doona Ciidamada la filayaa in uu kula dardaraamo kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab si looga saaro degaano iyo degmooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.…

Read More

Ilo wareedyo rasmi ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu qorsheynayo inuu buuxiyo ilaa 7 boos oo ka bannaan Golaha Wasiirrada, marka uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho maalinta Axadda, isaga oo hadda Cimreysi ugu maqan Sacuudiga. Boosaskan bannaan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay is casileen, kuwaas oo qaarkood ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa jira xubno hore uga tirsanaa xukuumadda oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey iscasilay, isla markaana aan weli la bedelin. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya…

Read More