LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiiro mucaaradsan madaxweyne Laftagareen oo gaaray degmada Buurhakaba iyo Villa Somalia oo…

Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa maanta waxaa gaaray mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Xuseen Eelaay iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Saadad Caliyow, iyagoo watay diyaarad ciidan.

Wararka laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in mas’uuliyiintan ay halkaasi ka bilaabayaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la sheegay inay ka dhan yihiin maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan xaruntiisa Baydhabo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in socdaalkan uu qayb ka yahay qorshe ballaaran oo la xiriira khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Mas’uuliyiintan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyadoo xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ay maalmihii dambe sii kordheysay, isla markaana ay gaartay heer halis ah.

Dhanka kale, kulan maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan. Madaxweynaha ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-hadal lala yeesho Madaxweynaha Koonfur Galbeed si xal looga gaaro khilaafka jira, hase yeeshee ma jirin wax horumar ah oo laga gaaray arrintaasi.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ka digaya in haddii aan xal degdeg ah laga gaarin khilaafkan, uu sababi karo iska horimaadyo ciidan oo saameyn ku yeesha xasiloonida guud ee dalka, gaar ahaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *