LATEST NEWSWARARKA

Wasiiro katirsan xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse oo is casilay iyo kuwo kale oo..

WAA SAWIRKA WASIIRU DOWLIHII WASAARADDA QORSHEYNTA

Saddex wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay iska casileen xilalkii ay hayeen, iyagoo ku sababeeyay go’aankooda inay garab istaagayaan shacabka reer Koonfur Galbeed oo ay sheegeen inay la kulmeen faragelin iyo weerar kaga yimid dowladda federaalka.

Mas’uuliyiinta is casilay ayaa kala ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maxamed Aadan Maxamed, Wasiiru dowlihii Qorsheynta Axmed Maxamed Mashruuc, iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Isaaq Maxamuud Mursal.

Qoraal ay si gooni gooni ah u soo saareen, ayay ku sheegeen in ay si qoto dheer uga xun yihiin xaaladda ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, isla markaana aysan u dulqaadan karin inay ka sii mid ahaadaan xukuumad ay ku eedeeyeen inay ku kacday falal dhaawacaya midnimada iyo xasilloonida shacabka.

“Waxaan go’aansanay inaan iska casilno xilalkii aan u haynay ummadda, annagoo la dareensan xaaladda adag ee heysata dadkeenna ku nool Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaankooda.

Is casilaaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmihii la soo dhaafay sii xoogeysanayay.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegaya in tallaabadan ay muujinayso heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama aysan hadlin is casilaadda mas’uuliyiintan, balse waxaa la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda ay is casilaan Xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Dhacdadan ayaa imaaneysa iyadoo indhaha lagu hayo mustaqbalka xiriirka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Koonfur Galbeed oo ka mid ah dowlad goboleedyada ugu waaweyn dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *