LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo xilalkii ka qaaday Taliyeyaasha Ciidamada xoogga dalka ee degaannada Koonfur galbeed

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu magacaabayo laguna kala beddelayo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee ka howlgalayay deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Wareegtadan oo summadeedu tahay LXT/C/XDS/0122/26, islamarkaana ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka, ayaa lagu sameeyay isbeddello muhiim ah oo saameynaya hoggaanka cutubyo ka tirsan Ciidanka Dhulka.

Saraakiisha la magacaabay iyo kuwa la kala beddelay ayaa kala ah:

Wararka ayaa tilmaamaya in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo dowladda federaalka ay ku xoojineyso howlgalada militari ee ka dhanka ah madaxweynaah koonfur galbeed, waxaana taliyaha Ciidanka xoogag dalka oo fulinaya Ammarka Madaxweynaha Soomaaliya xasan Sheekh Maxamuud uu qaaday is bedelkan.

Wararka aan helnay ayaa Sidoo kale sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso guluf ciidan oo ka bilaabanaya deegaanka Qalalan ee Afgooye ilaa magaalada Baraawe, iyadoo dhinaca gobollada Baay iyo Bakoolna loo xil saaray masuuliyiin kale oo heer wasiir ah si ay uga qeyb qaataan in meesha laga saaro Madaxweyne Laftagareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *