LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA
Walaac laga muujiyay khilaafka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Laftagareen

Dallada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga muujinayso walaaceeda khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Bulshada Rayidka waxay ka digaysaa in khilaafkaasi isu beddelo gacan-ka-hadal, waxayna ku baaqaysaa in lagu xalliyo wada-hadal mas’uuliyad leh oo waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah, federaalka iyo dowlad-wanaagga.
Bulshada Rayidka ugu dambeyntii waxay ku boorrinaysaa dhinacyada ay khusayso in ay mudnaanta siiyaan wada-hadal iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo badqabka shacabka.
Walacan kasoo baxay Daladda Bulshada rayidka ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay Diyaarad Ciidamo ku geysay degaano katirsan Maamulka Koonfur Galbeed.










