Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24 Editor
Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo ay ku faahfaahinayso weerarkii lagu qaaday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhacay 5-tii Oktoobar 2025. Muuqaalka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyay koox gaar ah oo si qorsheysan u abaabulan, iyadoo Al-Shabaab ay sheegeen in mid ka mid ah ragga weerarka fuliyay uu ahaa wiil uu dhalay afhayeenka kooxda, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Wiilkaasi ayaa lagu magacaabay Cabdiraxmaan Sheekh Cali, kaasoo sida ay sheegtay kooxda door muuqda ku lahaa howlgalka. Sidoo kale, muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay laba nin oo ajaanib ah oo la sheegay inay qeyb ka…
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah Tababar ugu u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed. Cutubyadan ayaa intii uu tababarku usocday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed. Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in…
Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si rasmi ah uga hor yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo sheegay in aysan mar dambe hoos imaan doonin maamulkaasi. Mas’uuliyiinta labada maamul ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah ula shaqeyn doonaan hay’adaha federaalka ilaa laga soo dhisayo maamul ay ku tilmaameen mid sharciyad buuxda leh oo matala shacabka deegaannadaas. War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay garab taagan yihiin dastuurka dalka, kaas oo dhowaan uu ansixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda…
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan qoysaska laga barakiciyay guryahooda, inay sameeyaan bannaanbaxyo nabadeed si ay u muujiyaan cabashadooda. Qoraal uu Xildhibaanku ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay in xaaladda barakaca ay tahay mid u baahan falcelin degdeg ah oo ay hormuud ka noqdaan dhallinyarada kasoo jeeda qoysaska ay saameysay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la abaabulo dibadbaxyo nabadeed, kulamo waaweyn, iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo sharci ah si loo difaaco xuquuqda dadka barakacay. “Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada…
Inta badan gaadiidleyda ka shaqeysa degaannada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin ballaaran, kaddib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka. Darawallada ayaa sheegay in qiimaha halkii litir ee shidaalka uu gaaray inta u dhaxeysa 1.5 ilaa 2 dollar, taasoo ay ku tilmaameen mid aad u qaali ah oo aan la awoodi karin. Waxay sidoo kale xuseen in xaaladdaasi ay ka dhigtay mid aan suuragal ahayn inay sii wadaan shaqadooda, maadaama shacabka ay diidan yihiin inay bixiyaan lacag dheeraad ah oo ka dhalata qiimo kororka. Shaqa joojintan ayaa si weyn u saameysay isu…
Wararka laga helayo degaanka Habar-Doy oo ka tirsan koonfurta Deynuunay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaarad ah oo isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada mucaaradka ee ku sugan degaanka Habar-Doy. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobta, islamarkaana la maqlayo rasaas culus oo mararka qaar ka dhacaysa aaggaas. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay…
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay ganacsatada inay xaddidaan kororka qiimaha badeecadaha, isagoo tilmaamay in sare u kaca qiimaha shidaalka iyo raashinka ee caalamka uu si weyn u saameeyay nolosha shacabka. Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad uu u jeediyay bulshada kadib salaaddii Ciidul Fidriga, isagoo xusay in caqabadaha ka jira sahayda caalamiga ah iyo colaadaha dunida ay horseedeen hoos u dhac ku yimaada helitaanka badeecadaha muhiimka ah iyo kor u kaca qiimahooda. “Waxaan ganacsatada ku boorinayaa inay ka fogaadaan kordhin aan loo baahnayn oo lagu sameeyo qiimaha. Waa in kororka lagu saleeyaa oo keliya isbeddelka ka…
Warar kasoo baxaya warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegaya in la xiray askari ka tirsanaa nidaamka difaaca hawada ee Iron Dome, kadib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa falal basaasnimo oo lala xiriirinayo dowladda Iiraan. Ilo wareedyo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tilmaamaya in askarigan lagu tuhunsan yahay inuu xog xasaasi ah u gudbinayay dhinaca Iiraan, inkasta oo aan weli la shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan nooca xogta la bixiyay ama muddada ay arrintani socotay. Nidaamka Iron Dome ee Israa’iil ayaa caan ku ah ilaalinta adag iyo hubin dheer oo lagu sameeyo shaqaalaha ka howlgala, iyadoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Baay, Amiin Maxamed Cusmaan, iyadoo isla markaana u magacawday xilkaasi Gaashaanle Dhexe Sadiiq Doodishe, oo ka mid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgalla magaalada Muqdisho. Gaashaanle Dhexe Sadiiq Doodishe ayaa hore u soo noqday Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo khibrad u leh arrimaha warbaahinta iyo howlaha ammaanka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Baay, Amiin Mad Daruurow, uu ka mid ahaa saraakiil ay u yeertay Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse uu diiday inuu u hoggaansamo amarkaasi, taasoo sii xoojisay xiisadda ka dhex aloosan dhinacyada. Dhanka kale,…
Xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa la soo sheegayaa inay degan tahay, kadib dagaal culus oo duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxaha mucaaradka. Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la tilmaamay in labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen, inkastoo wararka ay muujinayaan in weerarka uu bilaabay Maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada Baydhabo ayaa maanta laga dareemayaa xasillooni, iyadoo la galay maalintii labaad ee Ciidda, isla markaana ay si caadi ah u socdaan isku socodka dadka iyo gaadiidka. Suuqyada iyo goobaha ganacsiga ayaa dib u furmay, waxaana muuqata nolol maalmeedka oo si tartiib ah ugu…