Maamulka Koonfur galbeed oo cambaareeyay Ciidamada ay dowladdu geysay Baraawe

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ka tirsan kuwa Haramcad ay Maanta ku geystay magaalada Baraawe oo ah xarunta rasmiaga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaas oo horey uga qeyb qaatay dagaalkii degaanka Raskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in maamulka uu si buuxda u maareyn karo ammaankiisa, isla markaana uu ka hortagayo wax kasta oo halis gelin kara xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan, sida uu sheegay, dadaallo lagu carqaladeynayo nidaamka iyo maamulka Koonfur Galbeed, balse uu caddeeyay in aysan taasi suuragal noqon doonin.
Dhankiisa, afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay nasiibdarro tahay in ciidamada loogu talagalay la dagaallanka argagixisada loo adeegsado arrimo siyaasadeed. Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay ku fashilantay inay cashar ka barato dhacdooyinkii hore, gaar ahaan duullaankii ka dhacay Jubbaland oo uusan guul ka soo hoyan.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo xiisado siyaasadeed ay ka dhex jiraan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo laga cabsi qabo in Ciidamo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka koonfur galbeed inay ku dagaalaamaan meelo kamid ah gobolada Baay iyo Bakool iyo Gobolka Shabeellaha Hoose









