Sawirro:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhoolatus Ciidan kusoo bandhigay degaan katirsan Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Madaxweynaha ayaa hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka Khawaarijta, waxa uuna faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.
Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaarka dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.
Booqashadaan uu Maanta Madaxweynaha ku tegay degaanka Gandasrhe ayaa kusoo loo arkaa inay tahay dhoolatus Millateri uu madaxweynaha ku soo bandhigay degaan katirsan maamulka Koonfur Galbeed maadaama xilligaan uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweyne Laftaagreen.










