LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Horjooge ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay, xog muhiim ah oo laga helay

Warar ay xaqiijiyeen ilo amni ayaa sheegaya in habeenkii xalay duqayn xooggan ay ka dhacday inta u dhaxaysa deegaanada Jilib iyo Kuunyo ee Gobolka Jubbada Dhexe, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Duqayntan ayaa la sheegay in lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xamiid, kaas oo door muhiim ah ka ciyaarayay howlaha hubka ee kooxda. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Cabdi Xamiid uu mas’uul ka ahaa isku dubaridka iyo maareynta hubka Al-Shabaab.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in weerarkan si gaar ah loogu bartilmaameedsaday Cabdi Xamiid, islamarkaana uu ku dhintay goobta lagu duqeeyay. Tani waxay imaaneysaa xilli hore, gaar ahaan bishii February, la sheegay inuu ka badbaaday duqayn kale oo lagu beegsaday gurigiisa.

Xogta la helayo waxay muujineysaa in Cabdi Xamiid uu horey ugu noolaa deegaanka Gubta ee gobolka Banaadir ku dhowaad 20 sano ka hor, halkaas oo uu sidoo kale imaam ka ahaa masjidka Ra’uuf.

Duqayntan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii kordhaya ee lagu beegsanayo saraakiisha sare ee Al-Shabaab, iyadoo weli aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada fuliyay weerarka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *