Ciidamada Jubbaland oo nolosha ku qabtay Horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa saaka howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Afmadow, kaas oo lagu qabtay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Horjoogahan oo lagu magacaabo Cali Macalin Cali Nuur, isla markaana loo yaqaanay naanaysta “Musamil”, ayaa la sheegay in muddo afar sano ah uu ka tirsanaa kooxdaas, isaga oo ka dagaalamay deegaanno iyo degmooyin kala duwan.
Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, Mahad Islaam, ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabtay horjoogahan uu yimid kadib xog ay ka heleen shacabka deegaanka. Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in ciidamada ay sii xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo sugo amniga gobolka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidamada Jubbaland ku doonayaan in ay ku wiiqaan awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijiyo nabadgelyo waarta oo ka hanaqaadda deegaannada ay ka taliyaan.









