DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Ilhan Cumar oo kasoo horjeesatay codsi ka yimid Madaxweyne Trump

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa si adag u dhaliishay qorshe kasta oo lagu kordhinayo miisaaniyadda dagaalka ee Mareykanka, iyadoo sheegtay in arrintan ay ka hor imanayso baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka dalkaasi.

Ilhan ayaa tilmaantay in dadka Mareykanka marar badan loo sheego in aanay jirin lacag ku filan oo lagu taageero adeegyada muhiimka ah sida daryeelka caafimaadka guud iyo la dagaallanka gaajada. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegtay in isla waqtigaas la heli karo ilaa $200 bilyan oo dheeraad ah oo loo qoondeeyo dagaallo cusub.

“Ma aqbali karno in la yiraahdo ma jirto lacag loogu talagalay dadka, balse ay jirto boqolaal bilyan oo dollar oo loogu talagalay dagaal aan dhammaad lahayn,” ayay tiri Ilhan.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale si gaar ah uga hortimid qorshaha la xiriira kordhinta kharashaadka milatariga, iyadoo ku baaqday in aan hal senti oo kale lagu bixin dagaal cusub oo aan lahayn ujeeddo cad ama faa’iido muuqata.

Dhaliisha Ilhan ayaa sidoo kale si dadban u taabanaysa siyaasadaha uu wado madaxweyne Donald Trump, kaas oo ay ku eedaysay in uu door ku leeyahay hurinta kharashaadka dagaalka.

Ugu dambeyn, Ilhan ayaa ku baaqday in dowladda Mareykanka ay mudnaanta siiso maalgelinta adeegyada bulshada, halkii ay ka sii kordhin lahayd miisaaniyadda dagaalka, taas oo ay ku tilmaantay mid aan waxtar u lahayn shacabka Mareykanka iyo xasilloonida caalamka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *