DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Puntland oo ka hortimid heshiis ay Dowladda Soomaaliya la gashay Maraykanka

Puntland ayaa si rasmi ah uga hadashay tallaabada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heshiis is-afgarad (MoU) ah ula saxiixatay Dowladda Gobolka West Virginia ee dalka Maraykanka, kaas oo la xiriira sahminta iyo horumarinta khayraadka macdanta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay tahay deegaan ay ku badan yihiin keydadka macdanta dalka, isla markaana aysan oggolaan doonin in heshiisyo ku saabsan khayraadkaas la sameeyo iyadoo aan lagala tashan.

Puntland waxay ugu baaqday West Virginia in ay ka waantoobaan fulinta heshiiskan ilaa laga xallinayo arrimaha sharci iyo dastuur ee jira, iyadoo la tixraacayo Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ee 2012, gaar ahaan Qodobka 44aad, kaas oo dhigaya in khayraadka dabiiciga ah lagu maamulo si wadajir ah.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in iskaashi caalami ah la soo dhoweynayo, balse heshiiskan uu leeyahay dhibaatooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

Puntland waxay si cad u sheegtay in heshiis kasta oo ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee ku yaalla Puntland aan laga aqoonsan doonin gudaha Puntland haddii aan lagala tashan oo oggolaansho laga helin maamulka.

  1. In si buuxda loo shaaciyo heshiiska MoU iyo xaaladdiisa sharci.

  2. In si degdeg ah loola tashado dhammaan Dowlad Goboleedyada.

  3. In la sameeyo hannaan sharci ah oo waafaqsan dastuurka ka hor inta aan la gelin heshiisyo caalami ah.

Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland ayaa sidoo kale sheegtay inay ka go’an tahay horumarinta khayraadka si waafaqsan sharciga, isla markaana si hufan oo waara loogu adeegayo jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *