LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamadii Koonfur Galbeed ee ka baxay degmada Baraawe oo lagu arkay duleedka Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 100 askari oo ka tirsan ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay saaka ka baxeen magaalada Baraawe, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Haramacad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay ku safreen dhowr doomood, iyagoo maray waddo dhanka badda ah, islamarkaana soo jaray masaafada u dhaxaysa magaalooyinka Baraawe iyo Kismaayo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in ciidamadaasi ay si nabad ah ku gaareen deegaanka Sabca-Asharaaf oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, taasoo ah xarunta kumeelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Dhanka kale, magaalada Baraawe ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay ciidamada Haramacad, kuwaas oo la sheegay in shalay laga soo daadgureeyay magaalada Muqdisho, si ay u xoojiyaan ammaanka iyo gacanta dowladda ee magaaladaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyadan ciidan, balse xaaladda ayaa u muuqata mid muujinaysa isbeddel ku yimid maamulka iyo amniga Baraawe.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *