RW Xamse oo tallaabo culus qaadaya kadib is casilaadii Wasiiradiisa

Ilo wareedyo rasmi ah oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu qorsheynayo inuu buuxiyo ilaa 7 boos oo ka bannaan Golaha Wasiirrada, marka uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho maalinta Axadda, isaga oo hadda Cimreysi ugu maqan Sacuudiga.
Boosaskan bannaan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay is casileen, kuwaas oo qaarkood ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, waxaa jira xubno hore uga tirsanaa xukuumadda oo ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo horey iscasilay, isla markaana aan weli la bedelin.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Ra’iisul Wasaaraha lagu wareejin doono si gaar ah dagaalka ay Dowladdu la galeyso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay jiraan caqabado siyaasadeed oo u baahan xal degdeg ah. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo uu horey ugu fashilmay dagaalkii ay dowladda la gashay Jubbaland.
Ilo-wareedyadu waxay intaas ku darayaan in magacaabista xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ay qeyb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dowladnimada iyo dib-u-habeynta xukuumadda, si loo dardargeliyo howlaha horyaalla dowladda.









