Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta furimaha dagaalka ku ciidaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in Maanta uu Ciidanka qeybahooda kala duwan kula ciido degaanka Gandarshe oo hoostaga Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kana mid ah degaannadii dhawaan laga xorreeyay Al-Shabaab.
Ciidamo iyo Saraakiil horudhac u ah Madaxweynaha ayaa gaaray Gandarshe, iyada oo siweyn loo adkeeyay Ammaanka degaanka Gandarshe iyo degaannada ku dhow dhow ee ku yaalla dhulka Xeebta ah ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka.
Madaxweynaha oo khudbad u jeedin doona Ciidamada la filayaa in uu kula dardaraamo kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab si looga saaro degaano iyo degmooyin horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dad badan ayaa qaba in ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee degaanka Gandarshe ay tahay dhoolatus Millateri maadaama degaankaas uu ka tirsan yahay Maamulka Koonfur Galbeed oo xilligaan uu khilaaf kala dhaxeeyo.









