Xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo eedeyn u jeediyay Ciidamada Itoobiya ee Buurhakaba

Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, iyagoo ku tilmaamay falal ka hor imaanaya amarrada maamulka.
War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan oo tiradoodu gaareyso 48 Mudane ayay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay jebiyeen amar uu soo saaray maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo mamnuucayay in diyaarado ka degaan garoomada deegaannada maamulkaas.
Xildhibaannada ayaa tilmaamay in shalay diyaarad ay ka degtay degmada Buurhakaba, taasoo siday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Sidoo kale maanta ayaa la sheegay in degmadaas uu gaaray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kasoo horjeedaan maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaagareen), taasoo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Koonfur Galbeed.
Xildhibaannada ayaa ugu baaqay hay’adaha ammaanka inay si degdeg ah u farageliyaan arrintan, ayna joojiyaan waxa ay ku tilmaameen xadgudubka lagu hayo maamulka iyo shacabka Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, waxay ka digeen in tallaabooyinkan ay horseedi karaan xasillooni darro hor leh haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.











