Sidee Ciidamada Dowladda kula wareegeen degmada Baraawe: waa sidee xaalada degmada?

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay xarumaha muhiimka ah iyo saldhigyada degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaas hore uga arriminayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Koonfur Galbeed qaarkood isku soo dhiibeen kuwa dowladda, halka kuwo kale ay codsadeen in loo daadgureeyo magaalada Kismaayo, iyagoo doonaya in halkaas loo qaado.
Saacadihii ka horreeyay la wareegidda ayaa Baraawe waxaa ka jiray xiisad dagaal oo u dhaxeysay labada dhinac, kadib markii Dowladda Federaalka ay degmada geysay ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo diyaarad lagu geeyay halkaas.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in xaaladda degmada ay hadda degan tahay, isla markaana ay dib ugu soo laabatay noloshii caadiga ahayd. Sidoo kale, Baraawe ayaa maanta kamid ah magaalooyinka si weyn looga xusay munaasabadda Ciidda ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in degmada Baraawe lagu qabto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, maadaama ay tahay xarunta rasmiga ah ee maamulkaas. Arrintan ayaa timid kaddib khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ku aaddan qorshaha doorashada, hase yeeshee dhaq-dhaqaaqyada ka socda Baraawe ayaa muujinaya isbeddel cusub oo ku yimid xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.









