Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Sidee Ciidamada Dowladda kula wareegeen degmada Baraawe: waa sidee xaalada degmada?
    LATEST NEWS

    Sidee Ciidamada Dowladda kula wareegeen degmada Baraawe: waa sidee xaalada degmada?

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor20 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si buuxda ula wareegay xarumaha muhiimka ah iyo saldhigyada degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ay halkaas hore uga arriminayeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

    Wararka laga helayo gudaha degmada ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay ciidamada Koonfur Galbeed qaarkood isku soo dhiibeen kuwa dowladda, halka kuwo kale ay codsadeen in loo daadgureeyo magaalada Kismaayo, iyagoo doonaya in halkaas loo qaado.

    Saacadihii ka horreeyay la wareegidda ayaa Baraawe waxaa ka jiray xiisad dagaal oo u dhaxeysay labada dhinac, kadib markii Dowladda Federaalka ay degmada geysay ciidamo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo diyaarad lagu geeyay halkaas.

    Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in xaaladda degmada ay hadda degan tahay, isla markaana ay dib ugu soo laabatay noloshii caadiga ahayd. Sidoo kale, Baraawe ayaa maanta kamid ah magaalooyinka si weyn looga xusay munaasabadda Ciidda ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Dhinaca kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in degmada Baraawe lagu qabto doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, maadaama ay tahay xarunta rasmiga ah ee maamulkaas. Arrintan ayaa timid kaddib khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

    Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinacyada ku aaddan qorshaha doorashada, hase yeeshee dhaq-dhaqaaqyada ka socda Baraawe ayaa muujinaya isbeddel cusub oo ku yimid xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Baraawe
    Next Article Puntland oo ka hortimid heshiis ay Dowladda Soomaaliya la gashay Maraykanka
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d