LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh & Cali Guudlaawe oo kulan ay yeesheen ku kala tegay iyo arrimaha doorashooyinka…

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, uu ku dhammaaday isfaham la’aan la xiriirta nooca doorashooyinka la qorsheynayo.

Sida xoguhu tilmaamayaan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo jeediyay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin isku sidkan oo hal mar wada dhacaya, kuwaas oo ay ku jiraan doorashooyinka heer degmo, heer dowlad goboleed, iyo suurtagalnimada in lagu daro kuwa heer federaal. Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu mideynayo habraaca doorashooyinka dalka, si looga gudbo nidaamka kala go’a ee hadda jira.

Dhinaca kale, Madaxweynaha a Hirshabeelle ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan suurtagalnimada hirgelinta qorshahan waqtigan xaadirka ah. Ilo wareedyo ku dhow dhow maamulkaasi ayaa sheegay in Hirshabeelle aysan awood u lahayn qabashada doorashooyin isku mar ah oo heerkan gaarsiisan, taasoo si cad u muujineysa kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya labada dhinac.

Kulanka kadib, waxaa soo baxay warqado ka yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, kuwaas oo tilmaamaya in qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ee la safan dowladda ay waqtigoodii xil haynta dhaafeen, isla markaana aysan sharciyad buuxda ku fadhiyin xilalka ay hayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in tallaabooyinka ugu horreeya lagu bilaabay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaas oo maamulada degmooyinka iyo gobollada lagu wargeliyay inay si toos ah uga amar qaataan Dowladda Federaalka.

Arrimahan ayaa muujinaya xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, iyadoo weli aan la gaarin heshiis mideeya dhammaan dhinacyada ku saabsan jihada doorashooyinka dalka. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in khilaafkan uu saameyn ku yeelan karo geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *