Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo hubka u qaatay la dagaalanka Mucaaradka

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay isa soo tarayaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo hadallo kulul oo labada dhinac ka imanaya.
Wararka laga helayo gobollada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay ciidamo geysay degmada Baraawe, isla markaana maleeshiyaad lagu abaabulay degmada Buurhakaba.
Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu ciidamo fara badan ku diyaarsaday magaalada Baydhabo, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo isku dhacyo dhaca.
Sidoo kale, xaaladda ayaa sii cakirmeysa kadib markii qaar ka mid ah wasiirada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Wasiirada Maaliyada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, lagu arkay iyagoo hubeysan oo ku sugan furimaha dagaalka ee duleedka Baydhabo. Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ay qeyb ka ahaayeen dagaallo ka dhacay halkaasi, kuwaas oo lala galay ciidamada mucaaradka.
Khilaafkan ayaa sababay in labada dhinac ay muujiyaan diyaargarow ciidan, taasoo keentay cabsi laga qabo in arrintu isku bedesho gacan ka hadal toos ah. Dad badan oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa ku baaqaya in la qaboojiyo xiisadda, lagana fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado.
Ugu dambeyn, baaqyo isa soo taraya ayaa loo dirayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed si ay u doortaan wadahadal iyo xal siyaasadeed oo looga hortagi karo xaalad amni darro oo hor leh.









