LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo Taliye Boolis u Magacaawday Baydhabo oo aysan maamulin

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa magacaabay Taliyaha cusub ee Saldhigga Booliska Degmada Baydhabo, xilli uu sii xoogaysanayo loolanka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

​Wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ayaa Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Axmed (Moora-gaabeey) loogu magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska Baydhabo. Magacaabistaan ayaa timid maalin uun ka dib markii uu Taliye Asad xilka Taliyaha Booliska Gobolka Baay u magacaabay Gaashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, kaas oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii hurinaysa khilaafka u dhaxeeya Madaxda Federaalka iyo maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

Magacaabista saraakiishan ayaa ku soo aadaysa xilli:
​Loolan Awoodeed: Dowladdu ay magacaabayso saraakiil ka tirsan Booliska ee gobolka Baay, halka maamulka Koonfur Galbeed uu leeyahay hoggaan amni oo isaga hoos taga, taas oo abuuri karta iska horimaad dhanka amarka ah.

​Gobolka Baay waxa uu wajahayaa caqabado amni oo dhanka Al-Shabaab ah, balse khilaafka siyaasadeed ayaa hadda u muuqda mid u xuub-siibanaya gacan ka hadal dhex mara ciidamada DFS iyo kuwa maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

​Xiriirka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo qaar ka mid ah deegaannada Koonfur Galbeed ay ka dhaceen dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo faragelinta dowladda federaalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *