Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqaya Guddiga doorashooyinka & Villa Somalia oo…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay maamulkiisu ku dhawaaqaan guddiga doorashada ee qaban doona doorashada madaxtinimada maamulkaas.
Arrintan ayaa imaneysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Villa Somalia iyo hoggaanka Koonfur Galbeed, kaasi oo salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo.
Madaxweyne Laftagareen ayaa doonaya in la qabto doorasho dadban, halka dowladda federaalka ay ku adkeysaneyso hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.
Haddii guddiga doorashada lagu dhawaaqo, isla markaana doorasho ka dhacdo magaalada Baydhabo oo Laftagareen mar kale ku soo baxo, waxay taasi dhabar jab siyaasadeed ku noqon kartaa dowladda federaalka iyo mucaaradka Koonfur Galbeed. Waxaana markaas muuqan doonta in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka adkaaday dhammaan dhinacyadii ka soo horjeeday.
Dhanka kale, Villa Somalia ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa sidii loo joojin lahaa qorshaha doorasho ee Laftagareen uu ka damacsan yahay Baydhabo. Wararka ayaa sheegaya in dowladda federaalka ay dooneyso in doorashada dib loo dhigo ama loo maro hannaan ka duwan midka hadda la qorsheynayo.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa sare u sii qaadeysa walaaca laga qabo isqabqabsi hor leh oo ka dhaca Koonfur Galbeed, xilli ay muhiim tahay in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda









