Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo xoogan geysay Gobolka Shabeellaha Hoose & hadal heyn ka dhalatay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah u dirtay gobolka Shabeellaha Hoose, si ay uga qeyb qaataan howlgalka ballaaran ee loogu magac daray “Seefta Qarsoon,” kaas oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida deegaannada muhiimka ah ee gobolkaasi.
Ciidamadan cusub ayaa la qorsheeyay in ay fuliyaan howlgal lagu nadiifinayo wadada istaraatiijiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baraawe, taas oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka, ganacsiga, iyo isu socodka shacabka. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii lagu guuleystay in dib loo furo wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marka, taas oo muddo caqabado amni ay ka jireen.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in ciidamadu ay u dhaqaaqi doonaan dhanka xeebaha, halkaas oo ay ka bilaabi doonaan howlgalkooda, gaar ahaan aagga Marka. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in laga sifeeyo kooxaha amni-darrada ka wada halkaasi, isla markaana la sugo amniga guud ee wadada dheer ee isku xirta caasimadda iyo deegaanada xeebaha.
Howlgalka “Seefta Qarsoon” ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso amniga, isla markaana dib u soo celiso adeegyada dowliga ah ee deegaannada ay saameeyeen colaadaha iyo falalka amni-darrada.
Dowladda ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka ku dhaqan gobolka Shabeellaha Hoose in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar muuqda oo ka hana qaada gobolka.









