Hubkii Dowladda Masar siisay Soomaaliya oo la sheegay in lagu weerarayo Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Faqi, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in hubkii qaranka ee ay bixiyeen dowladaha caalamka loo adeegsaday dagaal sokeeye, isla markaana lagu hubeeyay maleeshiyaad ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha ayaa eedeyntan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter), isagoo muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sida loo isticmaalayo hubka loogu talagalay difaaca qaranka.
Cali Saciid Faqi ayaa xusay in hubkan markii hore ay bixisay dowladda Masar si loogu taageero amniga qaranka Soomaaliya loogana difaaco cadawga dhabta ah ee dalka, balse aan marnaba loogu talagelin in loo adeegsado khilaafaadka gudaha ama lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.
“Hubkan waxaa loogu talagalay difaaca qaranka, balse hadda waxaa lagu wareejiyay maleeshiyaad ku sugan Buurhakaba, kuwaas oo loo adeegsanayo weerarro ka dhan ah shacabka ku nool Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Wuxuu intaas ku daray in adeegsiga khaldan ee hubka qaranka uu si toos ah uga hor imaanayo ujeeddadii loo bixiyay, isla markaana uu sii hurinayo xiisadaha siyaasadeed iyo colaadaha gudaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ka digay in ficillada noocan ah ay kordhinayaan kala qeybsanaanta bulshada, isla markaana ay halis gelinayaan nolosha dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u joojiso adeegsiga hubka qaranka ee lagu kicinayo dagaallada gudaha, isla markaana ay ilaaliso mas’uuliyadda ka saaran sugidda amniga iyo midnimada dalka.









