LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dalka uu aaday dooraasho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah ugu wargelisay shacabka Soomaaliyeed in dalka uu galayo marxalad doorasho loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana ku saleysan shuruucda dalka.

Wasaaraddu waxay xustay in doorashadu tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta, door muhiim ahna ka qaata dhismaha kalsoonida dadweynaha, kor u qaadista hufnaanta iyo xoojinta ka qaybgalka bulshada ee go’aan-qaadashada. Sidoo kale, waxay tilmaamtay in nidaamka doorashooyinka uu fursad siinayo shacabka inay si xor ah u doortaan cidda ku matalaysa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiintu waxay caddeysay in geeddi-socodka doorashooyinka uu noqon doono mid toos ah, xor iyo xalaal ah (free and fair), kuna dhisan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Dhanka kale, wasaaraddu waxay xaqiijisay in dhammaan hay’adaha ku lugta leh howlaha doorashooyinka ay si dhow u gudan doonaan waajibaadkooda, iyagoo raacaya shuruucda iyo habraacyada u degsan dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celisay ka go’naanshaheeda ku aaddan xoojinta dowladnimada, horumarinta dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan, si loo xaqiijiyo mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon oo ay shacabka Soomaaliyeed ku kalsoon yihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *