LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Ciidamada mucaaradka oo soo bandhigay hub ay ka furteen Ciidamada Koonfur Galbeed

Ciidamada la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed  ayaa soo bandhigay hub ay sheegeen inay kaga furteen Ciidamada Koonfur Galbeed oo ay la dagaallameen, kadib dagaal shalay aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Ka sokow warkaan kasoo baxay Ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Saraakiisha Ciidamada Koonfur Galbeed ay sheegeen in  weerarka ay iyagu qaadeen, iyagoo bartilmaameedsaday maleeshiyaad ay ku tilmaameen argagaxiso oo isku abaabulayay duleedka Baydhabo, iyaga oo intaas ku daray inay si buuxda ula wareegeen goobtii uu dagaalku ka dhacay.

Ilo deegaanka ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhacay Tuulada Raama-Hudo oo ka tirsan deegaanka Gaalooga, taasi oo qiyaastii 20KM u jirta magaalada Baydhabo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed ay weli ku sugan yihiin halkaasi, iyagoo adkeynaya ammaanka isla markaana ka hortagaya dhaq-dhaqaaqyo kale oo amni darro.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma jiro ilo madax-bannaan oo si rasmi ah u xaqiijiyay sheegashada ah in hub laga furtay Ciidamada Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa imaneysa xilli dhowr jeer oo hore ay dagaallo uga dhaceen deegaannada ku dhow Baydhabo, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa Mucaaradka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *