LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Goobaha Ganacsiga Bakaaraha oo Maanta xiran iyo bannaanbax ka socda

Xaalad kacsan iyo buuq xooggan ayaa maanta laga soo sheegay Suuqa Bakaaraha, kaddib markii ganacsatada halkaasi lagu amray inay ka guuraan goobahooda ganacsi.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa si adag uga horyimid amarkaasi, iyaga oo sheegay in dhulkoodii si sharci darro ah loogu adeegsanayo magaca dowladeed. Waxay sidoo kale sheegeen in cabashooyin ay horey u gudbiyeen aan wax jawaab ah laga siin.

“Waxaan dareemeynaa in nalaga xoog sheeganayo hantideenna, meel walbana oo aan u dacwoonnay waxba kama qaban,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, bannaan-bax ballaaran ayaa ka socda gudaha iyo hareeraha Suuqa Bakaaraha, kaas oo ay dhigayaan ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee halkaasi ka dukaameysta. Dibadbaxayaasha ayaa muujinaya caro iyo walaac ku aaddan mustaqbalka ganacsigooda iyo saameynta ka dhalan karta amarka lagu bixiyay in la baneeyo goobaha.

Ilaa iyo hadda, Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin xaaladda ka taagan Suuqa Bakaaraha iyo cabashooyinka ganacsatada, inkastoo arrintan ay soo bilaabatay maalinimadii shalay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *