LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xisbiga Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay tallaabo ay qaaday DFS

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed kulul ka soo saaray xaaladda Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

​Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyey wax uu ugu yeeray “xabsi guri iyo qafaal siyaasadeed” oo lagula kacay Taliye Mahad Cabdiraxmaan.

Qoraalka xisbiga ayaa lagu sheegay in xil ka qaadista taliyaha ay tahay mid salka ku haysa aargoosi siyaasadeed oo la xiriira khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

​Himilo Qaran ayaa ku tilmaamay falkaan mid “fool xun” oo dhabar-jab ku ah nidaamka dowladnimada, iyadoo hoosta ka xariiqay qodobbada soo socda:

Taliye Mahad wuxuu muddo dheer u soo adeegay qaranka, gaar ahaan dib u dhiska ciidanka Booliska iyo kuwa Asluubta.

​Xisbigu wuxuu xusay inay horey u socdeen xayiraado sharci darro ah oo lagu soo rogay xildhibaanada iyo muwaadiniinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

​Waxay xasuusiyeen madaxda dowladda in dastuurka dalku (qodobbada 10-aad ilaa 15-aad iyo 33-aad) uu dammaanad qaadayo xuquuqda muwaadinka.

​Ugu dambeyntii, Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha inuu joojiyo “tallaabooyinka gurracan” ee horseedi kara kalsooni darro dhex gasha bulshada iyo qalaalase dhanka amniga ah. Waxay sidoo kale ka digeen in ciidanka qalabka sida loo adeegsado dano siyaasadeed ama la isku horkeeno.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *