Mid kamid ah Golaha Wasiirada Somalia oo ku hanjabay in ay Laftagareen xoog uga saarayaan Baydhabo


Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa sheegay in aysan jirin rajo laga qabo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu mar dambe door ku yeesho soo xulista xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto deegaannadaas.
Wasiirka oo kamid ah musharixiinta siyaasadda Koonfur Galbeed, ayaa fariin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in isbeddel siyaasadeed uu dhowaan ka dhici doono magaalada Baydhabo, isagoo xusay in Madaxweyne Laftagareen laga saari doono magaalada isla markaana uu diyaarad ku bixi doono.
Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay taageerayaasha Laftagareen inay joojiyaan taageerada ay siiyaan, isaga oo tilmaamay in xaaladda siyaasadeed ee deegaanku ay marayso marxalad cusub oo u baahan isbeddel hoggaamineed.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan loollanka siyaasadeed iyo diyaar-garowga doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay Madaxweynaha Koonfur Galbeed si awood ah uga joojiso doorashada uu dhawaan ku qabsanayo Magaalada Baydhabo.










