Dowladda Soomaaliya oo saaka burburin ku billaawday guryo ku yaalla Muqdisho iyo xaaladda oo…

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la bilaabay howlgal dumis ah oo ka socota xaafadda loo yaqaan UNICEF, taas oo ka tirsan degmada Xamar Jajab, meel u dhow dhabarka dambe ee isbitaalka Wardi.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in burburinta ay si toos ah u saameysay guryo ay deganaayeen dad rayid ah, iyadoo aan la helin ogeysiis cad oo horey loo siiyay dadka halkaas ku nool. Qaar ka mid ah dadka degganaa goobta ayaa sheegay in ay ku baraarugeen qalab culus oo bilaabay duminta guryahooda, taasoo keentay cabsi iyo jahawareer.
Ciidamada ammaanka ayaa lagu arkayaa goobta, iyagoo la sheegay inay sugayaan amniga inta ay socoto howsha duminta. Si kastaba ha ahaatee, waxaa isa soo taraya cabashooyinka ka imaanaya shacabka, kuwaas oo ku andacoonaya in howlgalka loo fuliyay si kedis ah oo aan loo marin habraacyadii sharciga ahaa.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay horey u jireen muranno la xiriira lahaanshaha dhulalka ku yaalla magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u iibisay dhulal ay deganaayeen dad shacab ah, taasoo dhalisay walaac iyo dhaleeceyn ka timid bulshada qaybaheeda kala duwan.
Dhanka kale, ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa shalay cabasho ka muujiyay qorshayaal ay sheegeen in dowladda ay ku iibineyso dhulal ay ku yaallaan goobahooda ganacsi, arrintaas oo haddii ay hirgasho saameyn ku yeelan karta kumannaan ganacsato ah.









