LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

IGAD oo War kasoo saartay xayiraada Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta

Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Maxamed Cabdi-Waare, ayaa ku baaqay in si degdeg ah looga qaado xayiraadda la sheegay in lagu soo rogay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Maxamed Cabdi-Waare ayaa tallaabada looga qaaday taliyaha xilka ku tilmaamay mid dhaawac ku ah dowladnimada, isagoo xusay in inkasta oo masuul dowladeed xilka laga qaadi karo, haddana aan la jebin karin xuquuqdiisa aasaasiga ah ee dastuuriga ah iyo kuwa muwaadinimo.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xuquuqahaas ay ka mid yihiin xorriyadda dhaqdhaqaaqa, hadalka iyo isu-imaatinka, kuwaas oo uu sheegay in ay si cad u damaanad qaadayaan dastuurka dalka iyo heshiisyada dhaqameed ee Soomaalida.

“Haddii wararka sheegaya in gurigiisa lagu xannibay ay run yihiin, waa in si degdeg ah loo sii daayaa,” ayuu yiri Cabdi-Waare.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan warar isa soo taraya oo ku saabsan xaaladda Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyadoo aan weli si rasmi ah uga hadlin hay’adaha dowladda ee arrintan quseyso.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *