LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo qaaday weerar qabiileysan

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay cafis ay u fidinayso ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanadeeda, iyadoo ugu baaqday inay ka faa’iideystaan fursaddaasi.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah ciidamadaas lagu qasbayo ajende ku saabsan weerarro ka dhan ah deegaanadooda, arrintaas oo maamulka uu sheegay inaysan raalli ka ahayn. Koonfur Galbeed ayaa ciidamadaas ugu baaqday inay ka tanaasulaan falalkaas, islamarkaana ay ku soo biiraan cafiska iyo soo dhoweynta loo fidinayo.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed oo faah faahin ka bixinayay Warsaxaafadedka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay billaawday inay isku hubeyso Beelaha dega degaannada Koonfur Galbeed, si ay isku dilaan, wuxuuna sheegay in Koonfur Galbeed ay ka gudubtay waqtigii la isku dieri jiray sida uu hadalka u dhuigay.

Dhanka kale, maamulka ayaa caddeeyay in doorashooyinka ka qorsheysan deegaannada Koonfur Galbeed ay noqon doonaan kuwo loo dhan yahay, xor iyo xalaal ah. Waxaa la sheegay in dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo musharaxiinta doonaya xilalka kala duwan ay si buuxda uga qeyb geli karaan, iyadoo la ballanqaaday in saaxadda siyaasadeed ay furan tahay.

Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa digniin u dirtay diyaaradaha rayidka ah, iyadoo uga digtay ka qeyb qaadashada ficillada la xiriira daabulka hubka. Maamulka ayaa carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo falalkaas ay qaadi doonto mas’uuliyadda ka dhalata.

Ugu dambeyn, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay ka go’an tahay hirgelinta hannaan doorasho oo hufan, kaas oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannadeeda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *