Jadwalka xulista Baarlamaanka KGS & doorashada Guddoonka oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo saaray jadwalka shaqo ee lagu soo xulayo Golaha Wakiillada 3-aad iyo doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Guddiga, oo lagu dhisay Xeer Madaxweyne (Lr: 162.23), ayaa sheegay inay kulamo wadatashi ah la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka ah, iyo laamaha amniga si loo dardargeliyo hufnaanta doorashada.
Sida ku cad dukumintiga ka soo baxay guddiga, hawsha ayaa u kala socon doonta sidatan:
26 – 28 Maarso 2026 Shaacinta jadwalka, faafinta habraaca soo xulista xildhibaanada, diiwaangelinta Golaha Wakiillada, iyo dhaarinta xubnaha cusub. 8:00 AM – 5:00 PM.
29 Maarso 2026 Faafinta habraaca doorashada Guddoonka, qabashada araajida musharaxiinta, iyo hadal-jeedinta musharaxiinta Guddoonka.
Guddoomiyaha Guddiga Shuceyb Nuur Xuseen, ayaa saxiixay jadwalkan, isagoo carrabka ku adkeeyey in guddigu diyaar u yahay gudashada mas’uuliyadda weyn ee hortaalla si loo dhaafo marxaladda kala guurka ah ee maamulka.
Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa xilli jawiga siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu aad u kacsan yahay, iyadoo jadwalkan uu qeexayo xawaare aad u sarreeya oo lagu soo xulayo baarlamaanka cusub muddo saddex casho gudahood ah.










