LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xildhibaan sheegay in uu farriin hanjabaad ah ka helay Hay”adda NISA

Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed Murjaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu helay fariimo hanjabaad ah oo uga imaanay Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), arrintaas oo dhalisay walaac siyaasadeed iyo mid amni.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in muddo lix maalmood ah uu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho, isla markaana uu helayay fariimo hanjabaad ah oo ku saabsan, sida uu yiri, qorshe lagu beegsanayo naftiisa.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoygiisa lagu xatiray Taliyihii Ciidanka Asluubta ee xilka kaga qaaday, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid sii xoojisay cabsi iyo walaac ku saabsan ammaankiisa shaqsiyeed.

Murjaan ayaa intaas ku daray in xaaladda jirta ay muujinayso, sida uu hadalka u dhigay, in dalka uu galay marxalad adag oo ay jiraan isku dhacyo siyaasadeed iyo cadaadisyo amni oo ka dhan ah xubnaha dowladda.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay feejignaadaan, isaga oo sheegay in midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay halis ku jiraan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban xaaladaha noocan ah.

Illaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Hay’adda NISA oo ku saabsan eedeymaha uu jeediyay Xildhibaan Murjaan. Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli ay jirto xiisad siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo degaan doorashadiisu tahay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *