Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada xabsi guriga Janeraal Shub
    LATEST NEWS

    Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada xabsi guriga Janeraal Shub

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor26 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa si weyn looga falceliyay tallaabadii lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xabsi guri u gelisay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo shalay xilka laga qaaday.

    Tallaabadan ayaa dhalisay dood iyo dhaliil ka timid xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah oo si kulul uga hadlay arrintan.

    Senator-ka lagu magacaabo Aadan Cabdinaasir, oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, isaga oo ku tilmaamay “afduub.”

    Senator-ka ayaa sheegay in ficillada noocan ah ay horseedi karaan xaalado halis ah oo keeni kara colaad sokeeye.

    “Waxaa afduub lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Maxaa diidaya in magaalooyinka uu ka soo jeedo taliyaha iyagana afduub loogu geysto dad Soomaaliyeed oo madaxweynaha xigto u ah, maadaama xeendaabka dowladnimo uu ka baxay madaxweynaha jamhuuriyadda,” ayuu yiri Senator Aadan Cabdinaasir. Wuxuu sidoo kale ka digay ifafaale uu ku tilmaamay mid u gogol xaaraya dagaal sokeeye.

    Dhanka kale, siyaasi mucaarad ah oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Koofi, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku dhaliilay tallaabadaasi, isaga oo barbar dhigay dhacdooyin filimada laga arko oo ku saabsan afduub.

    “Filimada ayaan ku arki jiray laadarada oo afduubta carruurta, xaasaska ama qaraabada madaxda si ay dhaqaale uga helaan ama maxaabiis loogu sii daayo. Hadda taliye Mahad Cabdiraxmaan ma wuxuu u xiranyahay Madaxweyne Laftagareen ha i is dhiibo!” ayuu yiri Koofi.

    Wuxuu intaas ku daray in xaaladda ay tahay mid ceeb iyo fool xumo ku ah dowladnimada, isagoo ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo taliyaha, isla markaana la qaboojiyo xiisadda taagan.

    Koofi ayaa sidoo kale ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka Muqdisho in ay door ka qaataan xal u helidda xaaladda, isagoo sheegay in arrintu u muuqato mid ka baxday nidaamka dowladnimo.

    Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin eedeymaha la xiriira xabsi guriga lagu sheegay in la geliyay Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

    Si kastaba, wararka iyo falcelinta isa soo taraya ayaa muujinaya walaac xooggan oo ka jira gudaha bulshada iyo siyaasadda dalka.

    Dadka qaar ayaa aaminsan in tallaabadan ay la xiriirto arrimo siyaasadeed iyo xiriir qoys, iyagoo tilmaamaya in Jen. Mahad uu sodog u yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, taas oo ay sheegeen inay salka ku hayso khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulkaasi.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleXildhibaan sheegay in uu farriin hanjabaad ah ka helay Hay”adda NISA
    Next Article IGAD oo War kasoo saartay xayiraada Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d