Falcelin xooggan oo ka dhalatay tallaabada xabsi guriga Janeraal Shub

Waxaa si weyn looga falceliyay tallaabadii lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xabsi guri u gelisay taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo shalay xilka laga qaaday.
Tallaabadan ayaa dhalisay dood iyo dhaliil ka timid xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale siyaasiyiin mucaarad ah oo si kulul uga hadlay arrintan.
Senator-ka lagu magacaabo Aadan Cabdinaasir, oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Koonfur Galbeed, ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadaasi, isaga oo ku tilmaamay “afduub.”
Senator-ka ayaa sheegay in ficillada noocan ah ay horseedi karaan xaalado halis ah oo keeni kara colaad sokeeye.
“Waxaa afduub lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Maxaa diidaya in magaalooyinka uu ka soo jeedo taliyaha iyagana afduub loogu geysto dad Soomaaliyeed oo madaxweynaha xigto u ah, maadaama xeendaabka dowladnimo uu ka baxay madaxweynaha jamhuuriyadda,” ayuu yiri Senator Aadan Cabdinaasir. Wuxuu sidoo kale ka digay ifafaale uu ku tilmaamay mid u gogol xaaraya dagaal sokeeye.
Dhanka kale, siyaasi mucaarad ah oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Koofi, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku dhaliilay tallaabadaasi, isaga oo barbar dhigay dhacdooyin filimada laga arko oo ku saabsan afduub.
“Filimada ayaan ku arki jiray laadarada oo afduubta carruurta, xaasaska ama qaraabada madaxda si ay dhaqaale uga helaan ama maxaabiis loogu sii daayo. Hadda taliye Mahad Cabdiraxmaan ma wuxuu u xiranyahay Madaxweyne Laftagareen ha i is dhiibo!” ayuu yiri Koofi.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladda ay tahay mid ceeb iyo fool xumo ku ah dowladnimada, isagoo ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo taliyaha, isla markaana la qaboojiyo xiisadda taagan.
Koofi ayaa sidoo kale ugu baaqay odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka Muqdisho in ay door ka qaataan xal u helidda xaaladda, isagoo sheegay in arrintu u muuqato mid ka baxday nidaamka dowladnimo.
Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin eedeymaha la xiriira xabsi guriga lagu sheegay in la geliyay Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Si kastaba, wararka iyo falcelinta isa soo taraya ayaa muujinaya walaac xooggan oo ka jira gudaha bulshada iyo siyaasadda dalka.
Dadka qaar ayaa aaminsan in tallaabadan ay la xiriirto arrimo siyaasadeed iyo xiriir qoys, iyagoo tilmaamaya in Jen. Mahad uu sodog u yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, taas oo ay sheegeen inay salka ku hayso khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulkaasi.









