Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la doortay iyo tan Madaxweynaha oo…

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa maanta markale dib loogu doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dr. Cali Saciid Fiqi oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Dr. Cali Saciid Fiqi ayaa helay 67 cod, taasoo siisay guul cad marka loo eego musharraxii la tartamayay ee Diini Sheekh Xasan, kaasoo isna helay 11 cod. Guud ahaan waxaa codeynta ka qeyb galay 80 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.
Doorashada ayaa u dhacday si habsami leh, iyadoo xildhibaanadu si xor ah u dhiibteen codkooda, taasoo muujineysa hannaan doorasho oo nidaamsan.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka, Dr. Cali Saciid Fiqi, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo howlaha sharci-dejinta ee Baarlamaanka, isla markaana door muhiim ah ka qaato xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowliga ah ee Koonfur Galbeed.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheeegaya in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo lagu qaban doono doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed lagana soo hormariyay waqtigii horay loo shaaciyay maadaama Magaalada Baydhabo uu kusoo wajahan yahay guluf dagaal oo uga imaanaya dhinaca Dowladda Soomaaliya









