Dowladda Soomaaliya oo Go’aan ka gaartay doorashadii Laftagareen

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag uga hadashay habraac doorasho oo dhawaan ka dhacay dalka, kaas oo ay ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo nidaamka dowladnimo.
Wasaaraddu waxay caddeysay in dhacdadaasi aysan ahayn doorasho xalaal ah, balse ay tahay isku day si cad loogu marin-habaabinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyadoo la doonayo in lagu meel mariyo natiijo horay loo sii go’aamiyey.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, habraaca doorashada ayaa lagu soo gabagabeeyay muddo 24 saacadood gudahood ah, taas oo wasaaraddu ku tilmaantay mid ka fog hufnaan, tartan xor ah, iyo sharciyad. Waxay intaas ku dartay in nidaamkaas aan loo aqoonsan karin doorasho waafaqsan dastuurka dalka iyo mabaadi’da dowladnimo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khusayso in la ilaaliyo shuruucda iyo habraacyada saxda ah ee doorashooyinka, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka iyo hirgelinta nidaam dimuqraadi ah oo dhab ah.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay difaaca dastuurka iyo ilaalinta nidaamka federaalka, iyadoo sheegtay in aysan aqbali doonin wax kasta oo lid ku ah sharciga iyo hannaanka dowladnimo ee dalka.










