Farmaajo oo War kasoo saaray doorashada ka socota Baydhabo iyo xaalada koonfur Galbeed

Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Cali Siciid Faqi iyo Kuxigeennadiisa oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.
Farmaajo ayaa sheegay in Tallaabadan ay muhiimad u leedahay in hay’addaha dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed ay helaan sharciyad ay ku gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah, maadama uu dhammaaday muddo xilleedkoodii hore ee loo doortay.
Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay guud ahaan xubnaha Baarlamaanka 3-aad ee Koonfur-galbeed iyo Guddoonkooda ee maanta la dhaariyey, wuxuuna u rajeeyay in Alle uu u fududeeyo gudashada waajibaadkooda.
Dhinaca kale Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa hadda ka socota doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay ku tartamayaan Madaxweyne Laftagaren iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Ninka lagu Magacaabo Cabdulaahi Xaaji Xasan.










