DEG DEG: Laftaagreen oo markale loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftaagreen) ayaa markale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.
Doorashada ayaa waxaa Laftaagreen kula tartamay Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed. Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa codkooda siiyay Laftaagreen, taasoo u sahashay inuu mar kale hoggaanka maamulkaan sii hayo.
Kadib ku dhawaaqista natiijada doorashada, Madaxweyne Laftaagreen ayaa u mahadceliyay Xildhibaannada codkooda siiyay, isagoo sheegay inay muujiyeen kalsooni iyo taageero uu ku hoggaamiyo dowlad goboleedka.
Sidoo kale, Laftaagreen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horey u diidday in doorasho laga qabto Koonfur Galbeed, balse dib u dhac ku yimid jadwalka doorashooyinka awgiis ugu dambeyn la qabtay doorashadaasi.
Wuxuu xusay in mudnaanta koowaad ee maamulkiisa cusub ay noqon doonto xoojinta amniga, horumarinta adeegyada bulshada, iyo la shaqeynta Dowladda Federaalka si loo dardargeliyo howlaha dowlad-dhiska









