LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Laftagareen oo ku dhawaaqay hadal ka yaabiyay Dadka Soomaaliyeed

Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo doorashadiisii kadib khudbad jeediayay ayaa marka hore u mahad celiyay Xildhibaannadii doortay, isaga oo sidoo kale ka hadlay xaaladdaa guud ee dalka, doorashada uu Maanta qabsaday iyo waxyaabihii ku kalifay in uu qabsado iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa isaga oo u jawaabayay Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aysan jirin heshiis doorasho oo uu la galay Madaxda Dowladda Soomaaliya, balse heshiisyadii dhacay ay ahaayeen kuwo la is qasabayay oo Bustoolad Madaxa la isaga haayay waa sida uu ahdalka u dhigay.

“Bistoolad ayaa madax naloo kahayay, waa kudilayaa ama waa ila jiraysaa waa diidanay, Soomaalinimo iyo in aan dadka isku hayno ayaan u dulqaad sameynay, laakiin waxaa naloo ka qaatay dulinimo, waa diidnay”

“Iyadoo Bil Ramadaan la yahay oo aan cibaado ku jirno ayaa lagu dhawaaqay in la dhaho Koonfur Galbeed waa baabinay, Afgooye, Baraawe, Xudur dawladda Faderaalka xukunta in la dhaho, ayaa la gaaray ayuu yiri” Madaxweyne Laftagareen.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayayaa yiriv”Xassan Sheikh lacagta aad sheegayso adiga ma lihid, maalintii lagu doortay shiling ma aadan haysan, Soomaali baa lahayd, Isku day baad sameysay doorasho waadse la daahday, Lacagta aad noo dilayso cadadkeeda sheeg Soomaali baa naga bixinaysee, Anaga Jubbaland hal mid ayaan nahay hal doorasho ayaana qabsanay midna waa diidi midna waa ka dagaalami ma aqaan caqligaas”

Madaxweynaha dib loo doortay ee Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftaagreen ayaa hadalkiisa Maanta waxaa laga dareemayay carro xoogan, isaga oo sidoo kale goobta ka sheegay inay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku Eedeeyay kala dirida dalka Soomaaliya & bilaabida dagaal Sokeeye

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *