Sawirro:- Ciidamo weerar ku ah baydhabo oo gordhow ka baxay degmada Buurkahaba iyo xaaladda oo..

Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goordhow ka ambabaxeen degmada Buurhakaba, iyaga oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Baydhabo.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhaq-dhaqaaqooda uu qeyb ka yahay abaabul ciidan oo ka socda deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana qorshaha ciidamada uu yahay inay dagaal ku qaadaan Magaalada Baydhabo kalana wareegaan Maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in aan weli si rasmi ah loo ogeyn dariiqa saxda ah ee ay mari doonaan ciidamada, maadaama wadada xiriirisa Buurhakaba iyo Baydhabo ay ka mid tahay meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab. Tani ayaa sare u qaadaysa walaaca ku aaddan suurtagalnimada iska horimaadyo ka dhaca inta ay ciidamada socdaan.
Dhinaca Maamulka Koonfur Galbeed dhankooda ayaa waxaa ayu ku jiraan difaac xoogan, iyaga oo Ciidamo farabadan geeyay inta u dhaxeeysa Magaalada Baydhabo iyo degaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay, si ay uga hortagaan duulaanka Ciidamada dowladda iyo kuwa la magac baxay Badbaadada koonfur Galbeed.










