LATEST NEWSLOCAL NEWS

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay xiisadda dagaal ee ka taagan Koonfur Galbeed

Beesha caalamka ayaa si adag uga hortimid suurtagalnimada dagaal ka qarxa deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya khilaafka inay doortaan wadahadal iyo xal nabadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda Soomaaliya ee United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM), ayaa lagu muujiyay walaac xooggan oo laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka. Qoraalka ayaa hoosta ka xariiqay in xaaladda hadda taagan ay khatar ku tahay xasilloonida guud ee dalka, amniga bulshada, midnimada qaranka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadantinimo.

“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha caalamka ayaa si gaar ah u adkaysay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo nabadda iyo wada noolaanshaha, iyadoo dhinacyada ku lugta leh lagu booriyay inay muujiyaan masuuliyad siyaasadeed iyo dulqaad. Waxaa sidoo kale lagu dhiirrigeliyay in la isticmaalo hannaan dastuuri ah iyo wada-xaajood si loo xalliyo khilaafaadka jira.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan cabsi laga qabo in xiisadaha siyaasadeed ay isu beddelaan isku dhacyo hubeysan, taasoo halis gelin karta horumarka laga sameeyay dhanka nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qaramada Midoobay ayaa ku celisay inay diyaar u tahay inay taageerto dadaal kasta oo lagu xoojinayo wadahadalka iyo dib-u-heshiisiinta, si loo gaaro xal waara oo ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan dhinacyada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *