Itoobiya oo Maanta soo musaafurineysa Cabdirashiid Janan iyo walaac ka dhashay

Warar laga helayo ilo wareedyo kala duwan oo ku sugan Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan, oo Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday madaxa amniga gobolka Gedo, lagu xanibay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in Janan, oo si gaar ah ula shaqeynayay ciidamada ku sugan aagga Baladxaawo, la qorsheynayo in maanta dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho, taas oo ka careysiisay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo laga yaabo inay qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah dowladda Itoobiya
Dadaallo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku dooneysay in ay wax kaga qabato arrintan ayaan weli miro dhalin, sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow hay’adaha dowladda. Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in xubno ka tirsan Safaaradda Soomaaliya lagu wargeliyay xaaladda Janan, iyadoo la sheegayo inuu muujiyay walaac ku aaddan xaaladdiisa gudaha Itoobiya.
Tallaabadan ay Itoobiya qaaday ayaa loo arkaa mid culus oo saameyn ku leh xiriirka labada dal, maadaama la sheegay in Janan uu watay baasaboorka diblumaasiga ah xilligii la xanibayay. Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso masaafurintiisa, inkastoo aysan jirin wax war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya.
Dhacdadan ayaa dharbaaxo siyaasadeed ku noqon karta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo imanaysa xilli ay jiraan xasaasiyado amni iyo siyaasadeed oo ka jira gobolka Gedo iyo guud ahaan dalka.









