Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hanjabay Laftagareen kana hadlay khilaafka dagaalka ku dhow..
    LATEST NEWS

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hanjabay Laftagareen kana hadlay khilaafka dagaalka ku dhow..

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor28 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay khilaafka ka taagan nooca doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay mowqifka maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo horjeeda hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

    Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay munaasabad xarig-jaris waddo ayaa sheegay in dowlad-goboleedyada qaar ay ka baxayaan heshiisyo hore oo ay si wadajir ah u saxiixeen, kuwaas oo la xiriiray habraaca doorashooyinka dalka.

    “Shalay ayaan heshiinay ragga maanta aan is hayno. Dukuminti ka badan labaatan oo ay saxiixeen ayaa la hayaa. Maanta ayay leeyihiin doorasho dadban ayaan rabnaa. Taas waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

    Wuxuu sidoo kale si cad u muujiyay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin dib loogu laabto nidaamka doorashooyinka dadban, isagoo ku tilmaamay mid laga gudbay oo aan waafaqsaneyn horumarka la doonayo in dalka laga gaaro.

    “Doorasho dadban waa dad aan leeyahay aan dambiil kusoo rito. Waa dhamaatay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

    Hadalkan Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sii cakirmeyso, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saacadaha soo socda laga cabsi qabo isku dhac ciidan oo dhex mara ciidamada dowladda federaalka oo taageero ka helaya xubno mucaarad ah iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga iyo xasilloonida dalka.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleItoobiya oo Maanta soo musaafurineysa Cabdirashiid Janan iyo walaac ka dhashay
    Next Article Xuutiyiinta Yemen oo ku biiray dagaalka Bariga Dhexe weerarna ka fuliyay Gudaha israa’iil
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d