LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hanjabay Laftagareen kana hadlay khilaafka dagaalka ku dhow..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag uga hadlay khilaafka ka taagan nooca doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u dhaliilay mowqifka maamulka Koonfur Galbeed ee kasoo horjeeda hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha oo maanta ka hadlayay munaasabad xarig-jaris waddo ayaa sheegay in dowlad-goboleedyada qaar ay ka baxayaan heshiisyo hore oo ay si wadajir ah u saxiixeen, kuwaas oo la xiriiray habraaca doorashooyinka dalka.

“Shalay ayaan heshiinay ragga maanta aan is hayno. Dukuminti ka badan labaatan oo ay saxiixeen ayaa la hayaa. Maanta ayay leeyihiin doorasho dadban ayaan rabnaa. Taas waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale si cad u muujiyay in dowladda federaalka aysan aqbali doonin dib loogu laabto nidaamka doorashooyinka dadban, isagoo ku tilmaamay mid laga gudbay oo aan waafaqsaneyn horumarka la doonayo in dalka laga gaaro.

“Doorasho dadban waa dad aan leeyahay aan dambiil kusoo rito. Waa dhamaatay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee dalka ay sii cakirmeyso, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in saacadaha soo socda laga cabsi qabo isku dhac ciidan oo dhex mara ciidamada dowladda federaalka oo taageero ka helaya xubno mucaarad ah iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo amniga iyo xasilloonida dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *